Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Madfac Dad ay Kudhinteen oo Maanta Kudhacay Isgooyska Fagax
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:24
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Apr 19 2008
Madfac Dad ay Kudhinteen oo Maanta Kudhacay Isgooyska Fagax
Written by Ali Moallim   
Saturday, 19 April 2008

Muqdisho,(insidesoamlia.org)-Inta la ogyahay ilaa 11 ruux oo 5 ka mid ah uu Madfac kula dhacay Maqaayad laga cunteeyo oo ku taal isgooyska Fagax ayaa ku geeriyooday, iyadoo sidoo kalena ay Madaafiicdasi hakiyeen dhadhaqaaqa Ganacisga Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Madaafiidani oo ahaa kuwo tiro badan ayaa qaarkood waxaa ay ku dheceen Deegaanka Suuqa Xoolaha iyo isgooyska Fagax ee degmada Yaashiid kuwasi oo ku habsaday maqaayad laga cunteeyo oo ku taalay halkasi waxaana inta laga war hayo ku nafwaayay 5 ruux oo rayid ah tiro intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Guud ahaan waxaa ku bur buray dhamaan agabkii yaalay maqaayadasi iyo weliba dhismaha maqaayada oo ka sameeysnaa jiingad.

Sidoo kale Madaafiic kor u dhaafaya ilaa 10 Madafac oo ahaa Rasaasta kaaraha ayaa ku dhacday Deegaanka Suuqa Xoolaha, kuwasi oo hakad galiyay dhaqdhaqaaqii Ganacsga iyo Gaadiidka ee Suuqa Xoolaha iyo deegaanada ka agdhaw.

3qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday degaanka Suuqa Xoolaha Gaar haan Biyo degeenka Suuqaasi kuwaasi oo Rasaasta Wiftada ah ee ay ridayaan ciidamada Ethiopia ay ugu tyagtay halkasi.

Deegaanka Suuqa Xoolaha oo ahaa Meel ay inta badan dadkii ka bara kacay dib ugu soo laabanayeen ayaa waxaa mar qura saaka ka dul sharqamay daryanka madaafiicda kuwasi oo durbadiiba bilaabay in ay isaga bara kacaan aqaladooda.

Madaafiicdani ayaa la sheegay in Laga soo ridayay Warshadii hore ee Baastada oo hada Fariisin u ah Ciidamada Itoobiya sidoo kale waxaa Madaafiidaasi ku geeriyooday 3 ruux oo Madfac uu ugu tagay guri ay ka degnaayeen Deegaanka Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxaa uu yahay mid weli socanaya waloow ciidamada Itoobiya ay Madaafiic aan loo miidaan dayin ku garaacayaan Xaafadaha Dadka Rayidka ay degen yihiin ee Gobolka Banaadir.

 

11 qofood oo rayid ah ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka badana waa ay ku dhaawacmeen kadib Madaafiic iyo Rasaas wiifto ah oo si aan kala joogasi leheeyn loola dhacay qeeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >